Sawirro: Bahda Waxbarashada Cabudwaaq oo ka banaanbaxay dil loo geystay Macalin iskool

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Bahda Waxbarashada Degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa maanta dhigay banaanbax weyn oo ay uga soo horjeeday dil loo geystay macalin ka shaqeynayey iskoolada Magaalada, macalinkaan oo la dilay habeen hore ayaa lagu magacaabaa Macalin Khadar Maxamed Axmed.

Macalinkaan oo ka soo jeeda Magaalada Boorame ee gobolka Awdal waqooyiga Soomaaliya ayaa habeen hore waxaa dilay nin hubeysan oo kasoo jeeda degmada Cabudwaaq, waxaan bahda waxbarashada dalbadeen in cadaalada la horkeeno ninkii dilkaas foosha xun geystay.

Magaalada Cabudwaaq ayaa noqotay kawaanka waxgaradka deegaanka, waxaana dhibaatada ugu badan ka jirtaa in aysan jirin maamul si buuxda gacanta uga haya magaalada, sanadihii ugu dambeeyey ayaa waxaa magaalada Cabudwaaq lagu dilay dad waxgal u ah bulshada.

14568216_1705938006293670_7370564021241186463_n 14570452_1705938259626978_2383138685834820671_n 14581346_1067502623347430_900651256217230765_n 14601042_1705938199626984_4957263537235858018_n 14695530_1705938129626991_5670450310663455609_n 14732335_1067502680014091_5755991742181418827_n 14907192_1705937922960345_2560826305411145966_n 14908404_1705937969627007_51389645761778924_n 14910423_1067502593347433_6589578021391923583_n

Comments are closed.