Daawo: 400 Boolis ah oo tababar loogu soo xiray Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

in kabadan 400 Askari oo boolis ah ayaa maanta tababar loogu soo xiray dugsiga tababarka booliska Cadaado, waxaana munaasabadan ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane C/kariim Xuseen Guuleed, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Cali Gacal, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sh. Xasan Xaamud, Taliyaha Booliska Galmudug G/sare C/casiis Yuusuf Aadan Dhagabadan, wasiiro, xildhibaano, saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Guuleed ayaa salaan sharaf ka qaatay in kabadan 400 Askari oo maanta tababarka dhameysatay,  saraakiisha qaar ayaa la gudoonsiiyey bilado, waxaana ciidamadan oo ay wehliyaan kooxda bambeyda dhoola tus ku sameeyeen wadooyinka Magaalada Cadaado.

Dadweynaha ayaa tubnaa wadooyinka magaalada iyagoo u riyaaqay gaada ka ciyaarka ciidamada, waxaana ka muuqatay hanaan dowladnimo, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed S/Gaas  Xaamud ayay ammaan u jeediyeen Madaxda iyo shacabka Galmudug.

Ciidamadan ayaa muddo saddex bilood ah tababar ku jiray, waxaana ka kala yimaadeen degmooyinka Galmudug, Waxaana ciidanka mushaarkooda bixinaya Booliska Soomaaliyeed.

img_7621 img_7622 img_7625 img_7633 img_7637 img_7650 img_7652 img_7656 img_7658 img_7660 img_7661 img_7662 img_7663 img_7664 img_7665 img_7666 img_7641 img_7640img_7667 img_7677 img_7678 img_7683 img_7689 img_7692 img_7694 img_7698 img_7702 img_7703 img_7705 img_7709 img_7711 img_7714 img_7715 img_7732 img_7738 img_7747 img_7749 img_7764

Comments are closed.