Sarkaal ka tirsanaa Alshabaab oo isa soo dhiibay

Wararka Maanta

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa soo Bandhigtay Sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab,kaasi oo shalay isku dhiibay ciidanka Xoogda Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland oo ku sugan deegaanka Baar-sanguuni oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose.

Jubbaland ayaa sheegtay in Sarkaalkan uu ka yimid degmada Jamaame ee Jubada hoose,isla markaana lagu magacaabo Sharma’arke Cabdinaasir Axmed kana tirsanaa Al-shabaab mudo 10-sano.

“Magaceygu saddexan waa Sharma’arke Cabdinaasir Axmed oo Alshababa u qaabilsanan qeybta jugta culus,ilaahay ayaa is oo bad baadiyay jid dheer ayaan soo marey,ciidamada Jubbaland iyo kuwa Federaalka ayaa i soo dhaweeyey,si fiican ayaa la ii soo dhaweeyey,marka umadda muslimiinta ah waxaan ka dalbanayaa cafis,maadaama bil ramadaan lagu jiro”. Ayuu sharma’arke.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdi Nuur Mooge ayaa fariin u diray dhalinyarada ka tirsan Alshabaab kujirta,isagoo ku ammaanay sharma’arke go’aanka geesinimada leh ee uu ka qaatay in uu ka soo boxo Alshabaab.