Madaxweyne Farmaajo Safar dibadda ah aaday

Wararka Maanta

Madaxweyne Farmaajo ayaa kusii jeeda waddanka Jordan oo ka dhici doono shir ay isugu imaanayaan madaxda dalalka Jaamacadda Carabta.

Kulankaas ayaa ka duwan kuwii ay horay u yeelan jireen Madaxda Carbeed, waxaana wararku sheegayaan inay ka qayb gali doonaan ilaa 16 Madaxweyne iyo Boqor.

Shirkan oo noqonaya kii 28aad ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro arrimo kala duwan oo ay ku jirto xaaladda Somalia.

Mas’uuliyiin katirsan dowladda ayaa kusii sagootiyay Madaxweynaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la qorshaynayaa in  xaaladda waddanka ee amniga iyo abaaraha uu kala hadlo mas’uuliyiinta kala duwan ee shirkaas ka qayb gali doonta.

Waa safarkii saddexaad ee Madaxweynuhu dibadda ku aado kadib doorashadiisii 8 Feberaayo 2017, waxaana madaxweynaha lagu dhaliilay inuusan wali booqan gobolada dalka oo abaaro ka jiraan, taas badalkeedana uu xoogga saaray safarada dibadda.