Sarkaal Al-Shabaab ah oo isu soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

Wararka Maanta

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa degaanka Baar-sanguuni ee Gobolka Jubbada hoose waxa ay ku soo Bandhigeen Xuseen Xasan Cambeer, oo horay ugu tirsanaa ururka Al-shabaab.

Sidoo kale ninkaan isa soo dhiibay ayaa Alshabaab u qaabbilsanaa abaabulka waxa ay Alshabaab ugu yeeraan kooxda jugta culus.

Abaanduulaha guutadda 11-aad Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare, Ismaciil Sheekh Isxaaq ,ayaa Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in Ninkani uu ahaa sarkaal sare oo Al-Shabaab ah, isla Markaana ka dagaalami jiray Gobolka Shabeellada hoose.

Korneyl Ismaaciil sheekh Isxaaq, ayaa sheegay in isa soo dhiibista Xuseen Xasan Cambeer, ay timid markii uu dagaal la galay Kooxo kale oo daacad u ahaa Alshabaab, taas oo u suurto gelisay in uu si nabad ah isu soo dhiibo.

Isha: SONNA