Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kuna taariikheysan 16 May 2018 ayuu ku amray wasiirada Xukuumadiisa in aysan xilka ka qaadi karin Agaasimayaasha Guud iyo Xogyayaasha joogtada ah ee Wasaaradda isaga oo aan la tashi lala sameynin.
Arintaan ayaa muujinaysa in Ra’iisulwasaaruhu doonayo inuu gacanta ku hayo dhammaan shaqooyinka xukuumadda, Sidoo kale Kheyre ayaa arinta kaga hortagaya Buuq ka dhalan kara xil ka qaadis ay mararka qaar sameeyaan wasiirada qaar.