RW khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray marka

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow gaaray magaalada Marka ee xarunta u ah Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen Mas’uuliyiin iyo bulshada magaalada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu gaaray Marka waxaa uu meel fagaare ah kala hadlay shacabka magaalada, waxaana uu sida caadiga aheyd uu dadweynaha ku sallaamay tixdiisa aheyd Ma Nabad Baa.

Mr Kheyre ayaa la filayaa inuu magaalada Marka kaga dhawaaqo mashaariic horumarineed oo dowladda ka fulin doonto magaaladaas oo ay go’doomiyeen Al-Shabaab.

Magaalada Marka ayaa sanadihii u dambeeyay waxaa hareeyay dagaalo beeleed, waxaana sanadkii hore Ciidanka Milateriag ee Guutada 14 October ku guuleysteen inay kala qaadaan maleeshiyaadkii isku hayay magaalada, isla markaana magaalada ay isu furanto, shacabkana ay is dhex galaan.