Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Xalay Kormeer Ugu Tagay Qaar Ka Mid Ah Ciidamada Xoogga Dalka (Dhageyso)

Wararka Maanta

Si Looga Mira Dhaliyo Hiigsiga Fog Iyo Kan Dhaw Ee Xasilinta Amniga Magaalada Caasimadda Ah Ee Muqdisho Ayaa Dawladda Soomaaliya Waxa Ay Diyaarisay Ciidamo Boolis Ah Oo Lagu Fulinayo Xasiinta Muqdisho Kuwaas Oo Haatan Tababar Uga Socda Qaybo Ka Mid Ah Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya.

Wasiirka Koobaad Ee dalka Ahna Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Ayaa Xalay Booqasho Ugu Tagay Ciidamadaasi Loo Diyaarinayo Dar-Dar Gelinta Amniga Caasimadda Oo Hadda Tababaro Kale Duwan Uga Socdaan Goobo Badan Oo Ku Yaal Muqdisho Si Shacabka Soomaaliyeed U Helaan Nabad Iyo Nolol Wanaagsan.

Ciidamadan Ayaa Wajiyadooda Waxaa Ka Muuqday Farxad Iyo Qaabka Ay Uga Faraxsan Yihiin Hawlaha Ay dalka U Hayaan Waxa Ayna dareenkkoda Ku Cabireen Ciidamadu Qaab Suugaaneed.

Ra’iiusl Wasaraha Xukuumadda Soomaaliya Ayaa Mid Mid U Gacan Qaaday Ciidamada Uu Tababarku U Socday Isaga Oo Ka Wareysanayey Xaaladooda Nololeed Iyo Tan Tababar Waxa Uu Sidoo Kale Ra’iisul Wasaaruhu Warbixino Ka Dhageystay Macallimiinta Ciidamada Tababarka Siineysay.

Ra’iisul Wasaare Keyre Ayaa Ciidamada Kaga Mahadceliyey Qaabka Ay Ciidamada Uga Go’an Tahay Difaaca Dalkooda Waxa Uuna Ballan Qaaday In Uu La Garab Taagan Yahay Wax Walba Oo Ay Ciidamadu U Baahdaan.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Ayaa Kormeer Ku Tagay Qaar Ka Mid Ah Isgoysyada Magaalada Caasimadda Ah Ee Muqdisho isagoo U Kuur Geliyey Xaaladda Dhabta Ah Ee KKa Jirta Muqdisho Xilliyada Habeenkii Ah.

Kormeeerka Ra’iisul Wasaaraha Ayaa Ujeedadiisa Waxaa Ka Warbixiyey Xog-hayaha Gobolka Banaadir Cumar C/risaaq Xuseen  Waxa Uuna Tilmaamay In Kormeerka Ra’isul Wasaaraha Uu Ku Qotomay In Uu Ogaado Nolosha Dhabta Ee Ciidamada Xoogga Dalka Gaar Ahaana Kuwa Haatan Tababarku U Socdo.

 

Hoos Ka Dhageyso Codka Xog-hayaha Gobolka Banaadir:-