Qormo:Koofi laanta socdaalka ayaa u baahan

Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

Somalia waxey dhexda uga jirtaa dhaqan xil ka qaadis iyo magaacabis joogto ah, Dowladihii hore iyo tan hadda joogtaba waxaa jira dad howl wanaagsan hayay oo shaqadda laga eryay bilaa sabab, in jagadda laga qaado qofka oo mid kale lasoo magacaabo ma’ahan dambi oo waa dhaqan maamul, laakiin waxaa ceeb ah inaan aragno mar walba qof shaqadiisa ku waayay reerka uu yahay dartii, inuu saaxib la yahay madax hore ama inuu kursigiisa caashaqay qof ka mid ah dadka madaxda xiligaas joogta ku dhow.

Maalmahan waxaa xoogeystay wararka sheegaya inuu is badal maamul ka dhici doono laanta socdaalka iyo jinsiyadaha oo xilka laga qaadi doono Maxamed Aadan Koofi oo hadda ah taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha, waxaa la hadal hayaa in xilkaan loo magaacabi doono Siyaad Maxamuud Shire oo hadda ku magacaaban qunsulka safaaradda Soomaaliddu ku leedahay Sacuudiga, sidoo kale Siyaad waxaa uu ka mid yahay saaxibadda gaarka ah ee madaxweyne Farmaajo wuxuuna mudooyinkan ku sugnaa Muqdisho.

Ilaa labbo jeer ayaa la sheegay iney arintaan dib u dhacday kadib markii qaar ka mid ah dadka taladda dalka wax ku leh ee ku dhow dhow madaxweyne Farmaajo ay soo jeediyeen inaan la badalin Koofi , iyaggoo ku dooday inuu wax badan ka qabtay Laanta Socdaalka tan iyo markii loo magacaabay bishii July ee sanadkii 2016, sidoo kale waxaa jirta dhaliil ah inuu Siyaad Maxamuud Shire soo dayacay kumanaan Soomaali ah oo ku nool Sacuudiga oo aheyd inuu u qidmeeyo, hoteladda Muqdisho ayuu u badnaa tan iyo markii la magacaabay madaxweyne Farmaajo.

Dadka aadka u la socda xaaladda Laanta Socdaalka ayaa aaminsan inuu Koofi wax badan ka badalay hanaankii hore ee Laanta Socdaalka uuna ku kordhiyay aragtiyo cusub iyo hufnaan shaqo, sidoo kale wuxuu ku guuleystay hirgalinta xarumaha laanta ee gobaladda dalka iyo iney shaqaaluhu helaan tababaro dheeri ah si shaqadda loo tayeeyo.

In laga fakaro duminta goob horleh waxaa ka muhiimsan in la talaalo kuwa maqan, waxaan ula jeedaa waxaa banaan wasaaraddo, safaaraddo iyo taliyaal ciidan oo dhamaan muhiim u ah dalka, sidoo kale madaxdu waa iney ka gudubtaa hal ku dhiga (hebel kooxdii hore ayaa magacaawday) , qofku hadii uu kasoo baxo shaqadda waa iney madaxdeenu barataa in la dhiiri galiyo.

Laanta socdaalku tijaabo ma gasho , mana noqon karto goob nin jecleysi iyo saaxibtimo la isku siiyo, waa in aanan lagu tuman heykalka Dowladnimadda oo ay madaxduna noqotaa mid ka dhabeysa hadaladda macaan ee ay bulshadda horteeda ka sheegto, qofkii shaqadiisa kasoo baxa hala dhiiri galiyo.

Farmaajo iyo Kheyre waxa la gudboon iney wax ka badalaan dhinacyadda is badalka u baahan ee maalin walba bulshaddu ka cabato intii qof dadaalaya la cuuryaamin lahaa.

Waxaa Qoray: Abdullahi Osman Farah