Madaxwayne Farmaajo Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyay Ethiopia

Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya , Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada khadiimiga ah ee Gondar, gobolka Baxar-daar ee Dalka Ethiopia.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa qayb ka ah, Wasiiru Dowlaha arrimaha Dibedda Soomaaliya, C/qaadir Axmed Khayr, Safiirka Soomaaliya u jooga Ethiopia, Cali Shariif Axmed iyo la taliyeyaal sare.

Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia, Abiy Axmed ayaa halkaasi si weyn ugu  soo dhaweeyay wafdiga madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa ka qayb geli doona shir Saddex Geesood ah oo uu la qaadan doona Ra’iisul wasaaraha Dalka Ethipia Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Dalka Eretrea, Isaias Afwerki.

Kulankan ayaa la shegay in looga hadli doonaa dhammaystirka heshiiskii ku saabsanaa isku xirka dhaqaalaha Waddamada Gobolka kaas oo Laba Bilood ka hor ka dhacay Magaalada Asmara ee Caasimadda Dalka Eretrea.