Pierre-Emerick Aubameyang Oo Bedelaya Antoine Griezmann

Ciyaaraha

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu noqdo bedelka Antoine Griezmann ee Atletico Madrid.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Gabon ayaa xilli ciyaareed adag ku qaatay Westfalenstadion isagoo lagu heysto xaalad anshax, inkastoo uu dhaliyay 21 gool tartamada oo dhan.

Wargeysyada  soo baxay bishii hore, ayaa sheegaya in Aubameyang uu qandaraas cusub u saxiixay Dortmund ilaa 2021, laakiin 28 jirkaan ayaa diiday inuu qalinka ku duugo heshiis cusub.

Dhanka kale, mustaqbalka Griezmann ee Wanda Metropolitano ayaa weli shaki ku jiraa, iyadoo Barcelona iyo Manchester United lagu soo waramayo inay doonayaan adeega xiddiga reer France.

Sida laga soo xigtay wargeyska The Sun, Diego Simeone ayaa doonaya inuu Aubameyang  noqdo xiddiga ugu soo horeeya ee Atletico, hadii Griezmann la fasaxo sanadka soo aadan.

Aubameyang, oo haatan dhaawac ka qaba sinta, ayaa dhaliyay 141 gool  212 kulan oo uu u saftay Dortmund tan iyo markii uu uga soo biiray kooxda Saint-Etienne.