Olole nadaafadeed ayaa maanta laga sameeyey gudaha Magaalada Cadaado, gaar ahaa goobaha biya mareenada ah, Ololahaan ayaa waxaa soo abaabulay ururka Dhalinyarada DHISO DALKAAGA, waxaana ka qeyb galay Wasiir, xildhibaano, Maamulka degmada Cadaado, Madaxda Ururada Bulshada iyo dhalinyaro.
Dhulkii loogu talagalay in ay maraan biyaha roobku ayaa inta badan waxaa laga dhistay dhismooyin sharci darro ah, arintaas oo keentay in socodka biyuhu yaraadaan. dhalinyaradan ayaa Qashinka ka guray buundooyinka magaalada Cadaado.
Xiliyada roobka ayaa Qashinka iyo biyaha roobka oo is biirsada ay keeni karaan cuduro faafa, waana tan keentay in dhalinyaradan u istaagaan nadiifinta biyo mareenada ka hor roobka dayrta.