Nin walaalkiis ku dilay Magaalada Muqdisho

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya degmada Boondheere ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Maanta ay isku dileen labo wiil oo walaalo ah.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa saxaafadda u sheegay in Abuukar Maxamed oo 30 sano jir ah uu toorey ku dilay Walaalkiis ay isku hooyo yihiin oo 24 Sano jir ah.

Dilka ayaa yimid ka dib markii labada Wiil uu soo gala dhex galay Muran. ciidamada Booliska ayaa halkaasi tagay, waxaana ay soo qabteen ninkii dilka geystay Sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Dhacdadaan ayaa waxaa aad uga naxay dadka degaanka. dilalka muranka ayaa inta badan keena dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ay dhacdooyinka ay sababaan arimo dhaqaale iyo qoys.