Muudeey Oo Shaqada Ka Joojiyay Xogheyaha Guud Ee Golaha Shacabka

Wararka Maanta

Tallaabo u muuqata mid uga sii dareysa khilaafka golaha shacabka ayuu Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha Cabdiweli Ibraamih Muudeey shaqadii si KMG ah uga joojiyay Xogheyaha guud ee golaha Cabdikarin Buux.

Qoraal uu soo saaray Muudeey oo Buux ku socday waxaa ku qornaa “Kadib markii la ogaaday in si toos ah ula soo gashay arrimaha siyaasadeed ee jira, kaas oo khilaafsan  sharciga shaqaalaha dowladda, lana hayo caddeymo ku lug lahaanshiyaha khilaafaadka taagan, adigoo si qaldan u adeegsaday awoodaha maamul ee ku cad qodobka 1aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka, taas oo dhowr jeer lagaaga digay.

Intaasi kadib, waxaa uu Cabdiweli Muudeey shaqada ka joojiyay Cabdikarin Buux isaga oo howsha u dhiibay ku-xigeenkiisa  Maxamed Cabduulahi Cabdi(Ciyow).

Inkasta oo Xildhibaanno golaha shacabka ah noo xaqiijiyeen jiritaanka warqadda hadana waxaa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan in Muudeeyn shaqadan qaban karo iyo in kale.

Dhinaca kale, Xogheyaha guud ee golaha shacabka Cabdikarin Buux ayaanan ka soo jaabin xariir ay la sameysay Goobjoog News ee wax looga weydiinayo sharci ahaanta shaqo joojinta iyo arrimo kale.