Guddiga qabanqaabada doorashada guddoonka golaha shacabka ayaa ku dhawaaqay jadwalka doorashada, waxaana maanta 3 janaayo bilaabatay diiwaan galinta musharixiinta u tartamaya guuddoonka Barlamaanka.
Siyaasiyiinta ayaa ugu cadcad ee sharaxan gudoomiyaha Barlamaanka ayaa kala ah:
– Abdirashid Mohamed Hiddig
– Mohamed Osman Jawari
– Abdifatah Mohamed Geesey
11 ka bishaan ayaa loo asteeyey in ay dhacdo doorashada gudoomiyaha Barlamaanka, halka maalinta xigta la dooranayo gudoomiye ku xigeenada.
Doorashada Soomaaliya ayaa hadda ku sii siqeysa heer gabagabo, waxaana laba kacleeyey ololaha musharixiinta u xusul duubaya Villa Somalia.