Muqdisho: Qiimaha Hubka oo Sare u kacay

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Bilihii la soo dhaafay waxaa la dareemayaa sare-u-kaca qiimaha hubka noocyadiisa kala gadisan lagu kala iibsado, hubka fudud iyo kuwa culus ee garbaha laga tuuro ayaa dhamaantood ku yimid sare-u-kac, iyadoo arrintan dhowr arrimood loo sababeeyay, sida khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada iyo xaaladi ka jirtay Gobolka Gedo, halkaasoo dowladdu hub u daabuleysay.

Dhinacyada ugu badan ee suuqyada cirtoogtaha loo yaqaano hubka ka iibsanayay hubka ayaa waxaa ka mid ah qaar ka mid ah Musharaxiinta oo aad isu hubeynayay, waxaana arrintan ay ka dambeysay 19 February markii magaalada Muqdisho ka dhaceen shaqaaqo iyo isku dhacyo u dhaxeeyay Musharaxiinta iyo dowladda oo Hotel ay degenaayeen Madaxweynayaashi hore la weeraray, sidoo kalena bannaan bax ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah Musharaxiinta la rasaaseeyay, inkastoo dowladdu cudur daar ka bixisay shaqaaqadaas.

Xog uruurin aan maalmihii la soo dhaafay ku sameeyay hubka lakala iibsado iyo suuqyada loo yaqaano cirtoogte ayaa la ii sheegay in labadi bilood ee la soo dhaafay hubka aad loo kala iibsanayay, iyadoo qiimihii hore la iibinayay labo jibaar ku dhow uu qaaliyoobay.

1- Qooriga Dhashiikaha 21 kun oo dollar halka marki hore ahaa 15 kun oo dollar

2- Qooriga PKM 16 kun oo dollar halka marki hore uu ahaa 12 kun oo dollar

3- Qoriga RPG ama sabanka 3kun oo dollr halka hore kun shan boqol oo dollar

4- AK47 $1,800 halka markii hore $1,100

5- bastoolada $2,200 markii hore $1,500

Xigasho: Jowhar.com