Ciyaaryahanka cusub ee Liverpool Fabinho ayaa shaaca ka qaaday inuusan marnaba ku dhaweyn inuu ku biiro Manchester United inkastoo horey loola xiriirinaayay inuu ku biiro kooxda.
Fabinho ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu xagaagii lasoo dhaafay imaanaayo premier League ka dib markii kooxda Monaco uu si aad ah uga soo muuqday, laakiin wuxuu go’aansaday inuu sii joogo Stade Louis II.
Si kastaba ha ahaatee, 24 jirkaan ayaa ku adkeysanaya inuusan weligiis dalab ka helin United, islamarkaana uu shaaca ka qaaday inuusan laba jeer ku fikirin inuu ku biiro Liverpool xagaagaan.
“Haa, aad ayay u sahlaneyd, waan ka xumahay inaan ka tago Monaco, kooxda waxay i siisay waqti badan, lakiin kubada cagta mararka qaar waxaad u baahan tahay caqabado cusub, waxaana u maleynayay inay tahay waqtigii aan u dhaqaaqi lahaa” ayuu Fabinho u sheegay FourFourTwo. .
“Marnaba uma dhawaan inaan u ku biiro Manchester United, maya, waxaan maqalay waxyaalihii la yiri, laakiin runta ma ahan mid macquul ah, mana inkiraayo mana jirin dalab rasmi ah oo ka yimid United. ”
Fabinho ayaa kulankiisii ugu horeysay ee Liverpool u safan kara marka ay martigeliyaan West Ham United 12ka August.