Maxaabiista Soomaaliyeed ee India ku xiran oo noloshooda laga soo dayrinayo.

Wararka Maanta

Dalka Hindiya Gaarahaan Magalada Mombay waxaa Xabsiyo ku yaal ku xiran Dhalinyaro Soomaaliyeed oo la qabtay Sanadkii 2011 kuwaas oo markii hore tiradooda lagu sheegay 120 balse waxaa gudaha xabsiga siyaabo kala duwan iyo waqtiyo kala duwan ku geeriyooday 3 Wiil oo kamid ahaa dhalinyarada ku xiran xabsiga waxaana u danbeeyay Wiil bishii dhamatay ee October ku dhintay gudaha Xabsiga wiilasha dhintay ayaa sababsaday Cuduro ku haleelay gudaha Xabsiga ayagoo an helin wax tacaal ah. waxaana hada noloshu ku jirtaa 117 oo kamid ah Dhaliyaradii la qabtay ku dhawaad 7sano ka hor.

Warka murugada leh ee hada qaar kamid ah Ehelada Maxaabiista soo shegayaan ayaa ah in 117-Boqol-toban-iyo todobada Waqigaan ku jira Xabsiga ay har iyo habeen la kulmaan Tacadiyo kala duwan ayago bilowgii asbuucan si wayn loo jir dilay kadib markii loogu mar marsiyooday Telephonada Gacanta oo ay mar marka qaar kula hadli jireen Ehelkooda.Ciidanka ilaalada Xabsiga ay Dhalinyaradaani ku jiraan ayaana la sheegay inay aad ku jir dileen waxaana markii danbe Xaalka qaarkood gaaray in Isbitaal loo qaado waxaana usii wehliya daryeel la’aan dhanka Cafimaadka ah.

Dhalinyaradaani waxaa kal hore lagu xakumay 6sano oo Xabsi ah sida ay shegtay Dowladda Hindiya waxaayna mudaaasi ugu eg tahay bisha January ee soo socota.Waxaa kaloo jiray Heshiis Dhexmaray Dowladaha Somalia iyo India kaas oo dhigayay in 6 bilood oo Waqtigaas u harsanaa loo soo wareejiyo muqdisho si mudada Xabsiga uga hartay Dalkooda ugu dhamaystaan waxaana Hadalkaas sheegay Wasiirka Arimaha Dibadda Somalia Yuusuf Garaad Cumar.

Balse waxaad moodaa in aan wax ficil ah lagu darin oo hadalka uun afka laga baxay. mana jiro War kasoo baxay Safaaradda Somalia ee Hindiya iyo Wasaaradda Yuusuf Garaad oo ku aadan dhibaatada Haatan kusoo korortay Dhalinyarada ku rafaadsan

Ceelhuur.com