Hogaamiyaha Daacish Somalia oo Ka badbaaday Dil

Wararka Maanta

Hoggaamiyaha Daacish ee Geeska Africa, Sheikh C/qaadir Muumin ayaa ka badbaaday duqeyntii diyaaradaha Maraykanka Jimcihii la soo dhaafay ay ka gaysteen Dooxada Buqa oo 160-KM dhinaca Bari uga beeggan magaalada Bosaso, sida ay sheegeen Taliska Milateriga Maraykanka ka jooga qaarada Africa ee AFRICOM.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo wareysi siiyay Idaacada VOA-da laanteeda ku hadasha Af-Soomaaliya ayaa sheegay in duqeynta lala maaganaa hoggaamiyaha Daacish ee Geeska Africa, Sheikh C/qaadir Muumin, balse uu ka badbaaday.

Sheekh C/qaadir muumin ayaa haysta dhalashada Maraykanka, waxuuna horey uga tirsanaa Alshabaab, Mr. Muumin ayaa lagu eedeyaa inuu ka dambeeyo Qaraxyada iyo dilalka ka dhaca gobolka Bari Soomaaliya.