Muqdisho:Gudoomiye laameed ka tirsanaa Maamulka Degmada Xamar Jajab oo la dilay

Wararka Maanta

Nin watay Mooto dhugdhugley, ayaa la sheegay saaka aroortii inuu dilay Gudoomiye laameed ka tirsanaa Maamulka Degmada Xamar Jajab, balse ku sugnaa Degmada Waaberi.

Wararka ayaa sheegaya in dilkaan uu dhacay saaka aroortii markii ninka motada watay uu rasaas ku dhuftay Gudoomiye laameedka oo ku sugnaa meel aanan ka fogeyn hoygiisa.

Gudoomiye laameedka la dila, ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Nuuraani, waxaana wararka ay sheegayaan in ninkii dilka ka dambeeyay uu baxsaday.

Ciidamada ammaanka ayaa tagay goobta dilka uu ka dhacay halkaasi oo ay ka sameeyeen hawlgalo baaritaano ah.

Wararka waxa ay sheegayaan inaysan jirin cid ciidamada ammaanka ay u soo qabteen dilkaasi loo gaystay Gudoomiye laameedka ka tirsanaa Maamulka Degmada Xamar Jajab.