Maxaa ka socda Caasimadda Dhuusamareeb?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maalintii labaad ku sugan magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Galmudug, Madaxweynaha oo shalay si diiran loogu soo dhaweeyey ayaa la filayaa inuu maanta booqdo hogaamiyaha ugu sareeya Ahlu sunna waljamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.

Booqashadaasi kadib ayaa waxaa maanta galinka dambe la filayaa inuu bilowdo Wadahadal u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Madaxda Ahlu sunna, waxaana suurtagal ah in shirarkaas qaataan waqti dheer maadaama lagu lafagurayo arimo masiiri ah.

Qodobada ugu muhiimsan ee ay kawada hadli doonaan labada dhinac ayaa waxaa ka mid ah turxaan bixinta habka Ahlu sunna u soo xushay xildhibaanada oo saluug badan ka jiro, xog hoose ayaa sheegaysa in Madaxweyne Xaaf iyo qaar ka mid ah Beelaha ay diidan yihiin in liiska xildhibaanada lagu soo daro siyaasiyiin aan u dhalan 11 beelood ee wada dhistay Galmudug. iyadoo Ahlu sunna ay ku adkeysanayso arintaas.

Dhanka kale Bulshada Galmudug ayaa ka dhursugeysa dhaqangelinta heshiiska Jabuuti, iyagoo dhaliilsan in aysan Madaxdu ka faa’iideysaneynin waqti, Madaama aan wali la qaban wax muuqda. Sidoo kale Barlamaanka Galmudug ayaa ku guuleysan waayey ilaa hadda in ay furtaan kalfadhigooda, waxaana jira kala aragti duwanaan u dhaxeysa Madaxweynaha iyo Guddoonka Barlamaanka oo saluugsan habka wax u socdaan.