Wararka ka imaanaya magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in haweeney xaamilo aheyd lagu kufsaday degmadaasi.
Haweeneyda ayaa falka kufsiga ee lagula kacay kadib waxaa la sheegay in lagu toogtay gudaha degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo aan la ogeyn cidda ka dambeysay.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in haweeneydaan si weyn looga yaqaanay magaalada oo kamid aheyd haweenka khudaarta ka ganacsada.
Magaalada Marko oo xarun u ah Shabeelaha Hoose wey ka duwan tahay xarumaha gobolada kale ee dalka, waxaana sanado badan ka jiro dagaal beeleedyo iyo dilal maleeshiyaad u geystaan dadka deegaanka ah.
Maamulka magaalada Marko ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan dhacdada ka dhacday bartamaha magaalada, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in wax maamul ah uusan ka jirin magaalada Marko.
Maleeshiyaad iska soo horjeedo ayaa ku xoogan magaalada, waxaana dadkii ugu badnaa ay ka barakaceen magaalada tan iyo markii ay soo laalaabteen dagaal beeleedyada.