Sawirro: Marxuum Cabaas Siraaj oo Aas Qaran loogu sameeyey Muqdisho

Wararka Maanta

Alle ha u naxariistee Waxaa maanta magaalada Muqdisho Aas Qaran loogu sameeyey Wasiirkii Howlaha Guud iyo dib u-dhiska xakuumada Federaalka Soomaaliya Marxuum Cabaas Siraaji oo xalay lagu toogtay magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta ugu saraysa dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay, Ra’iisul wasaare Kheyre, gudoomiye ku xigeenka labaad ee Barlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya ayaa marxuukma Salaada Janaasada kula tukuday Masjid ku yaala Madaxtooyada Soomaaliya.

Marxuumka ayaa lagu aasay qabuuraha isbitaalka Madiina Magaalada Muqdisho, waxaana xabsiga loo taxaabay askartii dilka geysatay, Madaxweyne Farmaajo ayaa soo gaabiyey booqashadii uu ku joogay itoobiya.

FB_IMG_1493912053381 FB_IMG_1493912049512 FB_IMG_1493908279437 FB_IMG_1493908287749 FB_IMG_1493908296810 FB_IMG_1493912058409 FB_IMG_1493912063029