Maraakiib dagaal oo loo soo diray biyaha Soomaaliya

Wararka Maanta

Dowladda Iiran ayaa laba markab oo kuwa dagaal ah usoo dirtay biyaha caalamiga si ay qeyb uga noqdaan howlgalka ka dhanka ah Burcad badeeda

Maraakiibta dagaalka Iiraan  ayaa ka soo shiraacday dekedda magaalada Bandar Abbas iyagoona kusii jeeda dalka Cuman halkaasi oo ay kaga sii gudbi doonaan badweynta hindiya iyo gacanka cadan.

Maraakiibtaan ayaa ka mid noqonaya howlgalka la dagaalanka kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeeysay oo ay dowladda Iiraan ay maraakiib dagaal ay usoo dirto biyaha caalamiga si ay qeyb ugu noqdaan howlgal la dagaalanka Kooxaha Burcad badeeda.

Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa soo laabtay bilihii lasoo dhaafay , waxaana ay Afduubyo ku geysteen Maraakiib ganacsi.

Sanadkaan Gudihiisa ayaa waxa ay geysteen Afduubyo kala duwan waxaana ka mid ah Afduubkii ay ugu geysteen Markabkii ARIS 13 ee degmada Calluula ee gobolka Bari.

Qaramada Midoobey ayaa ku baaqday in si deg deg ah wax looga qabto Falalka kooxaha Burcabadeeda Soomalida ay ka geysanayaan xeebaha Soomaaliya.