Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo todobaadkan ku soo wajahan Muqdisho

Wararka Maanta

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa todobaadkan ku soo wajahan magaalada Muqdisho, isagoo miisaan u yeeli doona Tartanka Musharaxnimada Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inay dhacdo 30-October.

Qaban qaabo iyo diyaar garowga Safarka Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa ka socota magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho, waxaana lagu wadaa in loo soo dhoweeyo si ka duwan sidii loo soo dhoweeyay musharixiintii hore.

Boorar ay ku qoran yihiin sawirada Sheekh Shariif oo aan wali ku dhawaaqin Musharaxnimadiisa ayaa diyaarintiisa ay socotaa, waxaana qaarkood si horu dhac ahaan loo soo geliyay baraha bulshada sida Facebook.

Ilo wareedyo ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in Guddiyo ka mid ah Ololaha Musharax Madaxweyne Shariif ayaa magaalada Muqdisho ka wada abaabul la xiriira soo dhoweyntiisa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Sheekh Shariif ay u soo dhamaatay qaban qaabadiisa dhinaca dibadda ee ku aadan ololihiisa musharaxnimo, waxaana lagu wadaa inuu dalka dib ugu soo laabto, isagoo ay wax walba u dhameystiran yihiin.

Waxaa la diyaariyay Guryihii uu degi lahaa iyo goobihii ay ku howl geli lahaayeen Kooxdiisa Ololaha Doorashada, sidoo kale ammaankiisa ayaa waxaa la sheegay inay sugi doonaan Ciidamo gaar ah oo ay qeyb ka yihiin AMISOM.

Sheekh Shariif oo tan iyo markii uu xilka ka wareejiyay ka gaabsanayay ka hadalka arrimaha siyaasada ee qalbak warbaahinta ayaa la rumeysan yahay inuu culeys ku noqon doono Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar kale doonaya inuu dib u soo laabto.

Madaxweynihii hore ayaa olole diblomaasiyadeed ka waday Nairobi, Kampala iyo Imaaraadka Carabta oo fariisin u aheyd, waxaana uu kulamo la qaatay dhinacyo kala duwan oo ku lug leh arrimaha Siyaasada Soomaaliya.

Mr Shariif ayaa lagu wadaa in marka uu soo gaaro magaalada Muqdisho uu ku dhawaaqo Musharaxnimadiisa.

Comments are closed.