Xaaf Ducaale oo gaaray Gaalkacyo

Wararka Maanta

Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Galmudug garabka Dusmoreeb Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa Saaka gaaray Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Mr Xaaf, waxaana uu sheegay in maalmaha soo socda in uu ku sugnaan doono Gaalkacyo.

Wafdiga Xaaf ayaa ka yimid dhanka Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland, halkaasoo oo uu kaga qeyb galay Caleemasaarka Madaxweyne Dani.

ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyey in siyaasiyiin reer Galmudug ah ay ku howlan yihiin dhexdhexaadinta Xaaf iyo Dowladda Dhexe. Maamulka Galmudug ayaa hadda leh laba Madaxweyne, Axmed Xaaf iyo Axmed Baasto.