Madaxweyne Xaaf oo dib ugu laabtay Muqdisho.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa shalay galab dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho Caasimadda Soomaaliya. Madaxweynaha oo dhawaan soo gaaray Cadaado ayaa laba maalin kadib u gudbay dhanka Galkacyo halkaas oo uu u tagay nabadeynta Galkacyo.

Madaxweyne Xaaf intii uu ku sugnaa Cadaado iyo Galkacyo cidna kalama uusan hadlin Heshiiskii Ahlu sunna sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah. Waxaana la filayaa in 20 bishan uu Madaxweynuhu tago Magaalada Dhuusomareeb Caasimadda Galmudug halkaas oo lagu dhameystirayo heshiiskii Jabuuti.

Beelaha daga Cadaado, Xeraale, Cabudwaaq, Galkacyo iyo Ceelbuur ayaa saluug ka muujiyey habka loo galay heshiiska Ahlu sunna, iyagoo u arka inuu la baalmaray dastuurkii lagu heshiiyey.

Dhanka Kale Magaalada Dhuusamareeb ayaa isku diyaarinaysa soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha oo ay tahay markii ugu horeysay ee uu tago halkaasi, Waxaana gacanta ku haya ururka Ahlu sunna.