Madaxweyne Xaaf oo beri tagaya Caasimadda Dhuusamareeb

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo la filayey inuu maanta soo gaaro magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Galmudug ayaa dib u dhacay, waxaana la filayaa in maalinamada beri ah tago halkaas. Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan maamulkiisa. Waxaana la filayaa in la ambaqaado fulinta heshiiskii Ahlu sunna iyo Galmudug. Waxaana la filayaa in labada dhinac soo magacaabaan gudiga farsamada isku darka labada maamul.

Waa safarkii labaad ee Madaxweynuhu ku tago Dhuusamareeb, waxaana dhawaan lagu wareejiyey guriga gobolka halkaas oo u noqon doonta Madaxtooyada uu ku sii shaqeyn doono inta laga dhisayo Madaxtooyada cusub. Ilaalada Madaxweyana iyo Baabuurka qaaska ah ayaa horey loogu diyaariyey Dhuusamareeb.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi iyo Wasiirka Arimaha Maxamed Xayir ayaa maalmahaan ku sugaan waqooyiga gobolka Galgaduud gaar ahaan Magaalooyinka Balanbale iyo Dhabad, halkaas oo ay ka wadeen dib u heshiisiin. iyagoo ka gaaray guulo.