Madaxweynihii hore maamulkii Ximan iyo Xeeb Maxamed Cabdullaahi Aadan Tiiceey ayaa dib u helay xoriyadiisa sida ay inoo xaqiijiyeen ilo ku dhow, Tiicey ayaa muddo afar sano ah ku xirnaa dalka Biljam, Waxaana maxkamadda dalkaasi ugu sareysa cadeysay inaan lagu heynin wax dambi ah xornimadiisana la siiyo.
October 2013 ayey aheyd markii Madaxweyne Tiicey iyo Ganacsade Maxamed Cabdi Xasan Afweyne lagu xiray dalkaasi, kadib markii ay halkaasi u tageen talobixinta filin laga sameenayey kooxaha Burcad badeeda Soomaalida. Tiiceey ayaa la filayaa inuu dhawaan u ambabaxo dalka Mareykanka halkaas oo ay ku nool yihiin Qoyskiisa. Sidoo kale Ganacsade Afweyne ayaan wali go’aan la gaarin sii deyntiisa.
Maxamed Cabdullaahi Aadan Tiiceey ayaa soo noqday Madaxweynihii ugu horeeyey Maamulka Ximan iyo Xeeb, maamulkaas ka arimanayey degmooyin ka tirsan Galgaduud iyo Mudug. Waxaana lagu xasuustaa inuu wax badan ka qabtay ammaanka iyo horumarka deegaanka.