Afgooye:Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo Xalay la dilay.

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay saaka howl gallo ka wadaan xaafado ka tirsan degmadaas.

Howl galkan ayaa ka dambeeyay, kaddib markii xalay lagu dilay degmadaas askari ka tirsan ciidamada dowladda, iyadoo kooxdii dilka geysatay ay baxsadeen.

Ciidamada ayaa baaritaano ka wada labada qeybood ee degmada Afgooye, kuwaasoo baaritaano ku sameynaya dadka iyo gaadiidka.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada ay baadigoobayaan kooxihii dilka ka dambeeyay oo la sheegay inay ku dhuumaaleysanaya xaafadaha.

Maalmo ka hor ayay aheyd, markii ciidamada Nabadsugida degmada Afgooye ay gacanta ku dhigeen labo nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo dilal ka geystay degmada.