Sida lagu daabacay Barta Twitterka Villa Somalia, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casuumaad ka helay Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa beri ka qeybgalaya Shirweynaha 6aad ee Xisbiga haya Talada dalkaasi Turkiga AK Party, Shirkaan ayaa beri 18 August ka furmaya dalkaasi.
H.E @M_Farmaajo has received invitation from H.E @RT_Erdogan to attend the AK party’s 6th Ordinary Congress on 18th August, and to discuss bilateral relations, cooperation on economy, security and promote trade and investment. #Turkey is #Somalia’s close ally and friend.
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) August 17, 2018
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan Turkiga kulamo la qaadanaya Madaxda Dalkaas, iyagoo kawada hadli doona iskaashiga labada dal, iyo arimaha Dhaqaalaha iyo Ammaanka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay Booqasho ku tagay dalka Jabuuti, isagoo kulamo la qaatay Madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.