Madaxweynaha Koofur Galbeed oo sheegay iney diyaariyeen wakiilada aqalka sare u matalaya

Wararka Maanta

Madaxweynaha maamulka koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shaaciyay iney diyaariyeen wakiilada maamulkaasi u matalaya aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Shariif Xasan Sheekh , ayaa sheegay in maamulkiisa uu dadaal badan ku bixiyay sidii loo diyaarin lahaa xubnaha aqalka sare u matalaya, wuxuuna sheegay in dadaal badan kadib la diyaariyay xubnahaasi.

Shariif Xasan, ayaa sheegay in xubnahaasi laga soo kala xulay beelaha daga deegaanada maamulkiisa uu ka taliyo.

Maalintii shalay ayaa gudiga doorashooyinka dadban ee sanadkaan waxay soo saareen warbixin ay ku sheegayaan in loo baahan yahay in muddo labo maalin ah lagu soo gudbiyaa xubnaha maamul goboleedyada u matalaya aqalka sare.

Shariif Xasan Wuxuu sheegay in labo maalin gudahood ay ku wareejin doonaan gudiga doorashooyinka xubnaha maamulka koofur Galbeed u matalaysa aqalka sare.

Comments are closed.