Madaxweynaha Kenya oo goor dhow ka soo degay Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Wararka Maanta

Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo degtay diyaarad sida Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyadoo lagu wado in loo galbiyo halka uu shirka ka dhacayo oo ah Hotelka Peace.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan Hotelka, isagoo soo dhoweynaya Dhiggiisa Kenya.

Madaxweynaha Kenya ayaa ku biiraya Madaxda IGAD ee soo xaadiray Muqdisho, sida Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Shirka IGAD ayaa dhici doona saacadaha soo socda, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkan looga hadlayo arrimaha Koofurta Sudan iyo xaalada Soomaaliya doorashooyinka dhici doona.

madax7 madax5 gub8 gub6 gub1 gub