Madaxweynaha Galmudug oo si heer sare ah Muqdisho loogu soo dhaweeyey

Wararka Galmudug Wararka Maanta

guuleed

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa goor dhow dib ugu soo laabtay dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho oo uu ka socdo shirka Madasha Hoggaanka Qaran, Madaxweynaha ayaa dalka India lagula sameeyey qaliin fudud oo dhinaca wadnaha ah.

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, iyo masuuliyiin kale ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane C/kariin Xuseen Guuleed, oo xaalad caafimaad ugu maqnaa dhawaanahaanba dalka India.

Madaxweynaha Galmudug ayaa uga mahad celiyey masuuliyiinta uu horkacayey ra’iisul wasaaraha ee soo dhaweeyey, isagoo sheegay in xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsantahay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa in uu qeyb ka noqdo madaxda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ee u fadhiya Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka socda Muqdisho.

Sidoo kale madaxweyne Guuleed ayaa shirka kadib qorshuhu yahay in uu u amba baxo magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah dowlad goboleedka Galmudug, si uu halkaasi uga sii wado howlaha kala duwan ee maamulkiisa uu hayo, oo ay qeyb ka tahay u diyaar garowga doorashooyinka la filayo sanadkaan 2016-ka in dalka lagu qabto.

Comments are closed.