Garnaqsi Lammaane WQ: Ramla Gobdoon

Arimaha Bulshada SHEEKOOYIN Wararka Maanta

IMG_4965-520x400
Labo sano ka hor caawa oo kale ayay is guursadeen Mahad iyo Maryan. Guurkooda ka hor iyo ka dib waxaa u dhexeeya kala duwanaansho ballaaraan, Maryan ayaase tabanaysa oo dhaliilsan habdhaqanka Mahad ee sanadkii dambe. Qalin iyo warqad ay gacanta ku sidatay ayay la timid qolka fadhiga. Qaab kale oo kaga habboon qoraal, misna ay ku soo bandhigi karto cabashadeeda waa ay garan wayday. Miis dhexda afar kursi ay uga jirto ayay duldhigtay qalinkii iyo warqaddii. Mid ka mid ah kuraasta ayay soo jiidatay oo ay saldhigatay. Taariikhda bisha ayay ku qortay xaanshida geeskeeda midig ee kore, ka dibna qoraal aad u dheer ku billowday sidan:

“Ma xasuusan tahay Mahadoow, in ay caawa ku beegan tahay sanadguurada guurkeenna? I la ma ahan. Haddii kale guriga ayaad joogi lahayd waxna ii haddiyadayn lahayd sidii caadada kuu ahaydba. Laba sano ka hor, caawa oo kale maalmo ka hor habeenkii aad guurka ii soo bandhigtay, ee aad ku talisay in xiriirkii naga dhexeeyay aan ku abaalmarinno guur, oo aan anna si niyadsan kuugu raacay ayaan haatan jeclaan lahaa, in aan dib ugu noqdo habeenkaas iyo habeennadii ka horeeyay. Haddii aan ogaan lahaa in aad sidan isu baddalayso kaama oggolaadeen guurka. Si aad habeen walba iila hadasho, oo uu codkaaga u noqdo waxa ugu dambeeya, ee ay dhagtaydu maqasho inta aan seexan ka hor iyo la jooggaaga daraaddood, ayaan guurka kaaga diidi lahaa.

Mahadoow waa lagu helayee maxaa ku helay? Waa 10-kii habeennimo. Maxaad xilligan guriga uga maqan tahay? Gurigan wayn ma ahayn wixii aan rabay. Alaabtan tirada iyo noocyada badan ma rabin. Reerkaygii aan ku dhexjiray, wehelkana ii ahaa uga ma soo dhexbixin agabkan iyo hoygan dartood. Adiga ayuu ahaa qofkii aabbahay u yimid, ee i soo doonay. Adiga ayaan kuu soo go´ay. Adiga ayaan kaaga soo dhexbaxay dadkii ii dhawaa oo dhan. Adiga ayuu ahaa qofka marka uu i soo waco aan gaarka u bixijiray. Imisa habeen ayaan kuu baajiyay musalsalkii aan daawan jiray, si aan adiga kuu la hadlo? Adna hadda ayaad i leedahay ciyaar ayaan soo daawanayaa, oo aad is ka maqantahay habeenka intiisa badan. Sidaasi ma caddaaladbaa? Dadka aad baararka ku la qaxwayso miyaa aniga iiga kaa qaalisan? Nimanka ordaaya ee banooniga bursanaya miyaa aniga iiga kaa xiiso badan? Gurigan ma guri aad soo gasho oo aad ka baxdaa mise waa kaagii? Kaagii aad qarashka ku bixisay? Kaagii aad maalmaha badan u fekeraysay dhisitaankiisa? Kaagii aad soo dejisay aniga oo aad igu tilmaantay, in aan taada ahay? Haddii aad meel yar inoo hagaajin lahayd, oo adigana aad igu wehlin lahayd waqtiga intiisa badan waan dhammaystirnaan lahaa. Dhismahan wayn cabsidiisa iyo cidladiisa ayaaba i dishay.

Horta Mahadoow waad fiicnayd. Si aad ah waliba. Adiga ayuu ahaa qofka sida wanaagsan ee dabacsanida ku dheehan iila hadli jiray, ilana wadaagi jiray wixii soo kordha. Haddiyado aan kala dhicin ayaad ii soo iibin jirtay. Xaaladda guriga iyo taydaba waad ka war hayn jirtay oo la socotay. Marka aan howsha haayo ee aan wax hagaajinayo waad i ag joogi jirtay, oo ii sheekeen jirtay marna i kaalmayn jirtay. Arrimaheenna gaarka ah iyo kuwa guud ayaan ka wada doodi jirnay. Ra´iyadeenna ayaan is ku biirin jirnay. Talooyin ayaan kala qaadan jirnay. Dhibka soo kordha ayaan xalkiisa is la raadin jirnay. Sidaa ayaad iigu roonayd anna raalli kaaga ahaa. Hadda waa lagu jiitay. Bannaanka ayaa wax lagaaga sheegay. Sidii qof aan saarnayn masuuliyad ayaad u dhaqmaysaa. Waad is ka soo socotaa oo sii socotaa xilliga aad doonto. In aad wax i waydiiso iyo in adiga oo buuqsan aad i soo gasho maahee, si kale hadal nooma dhex maro. Maalin hore aniga oo dhardhaqaya ayaan jeebka surwaalkaaga ku arkay sigaar-daare. Balwad miyaad billowday Mahadoow? Horta ii warranoo ii sheeg waxa kugu soo kordhay.

Anigu la jooggaga ayaan rabaa. Sheekadaada iyo hadalkaaga ayaan u baahnahay. In aad waqti ii hesho ayaan kaa rabaa. In aad ka fekerto danaheenna iyo nolosheenna ayaan kaa rabaa. Jooji fadhi ku diriryadan aad ku luminayso waqtigaaga. Dadkaa aad dhexfadhido galab iyo subax walba wax kuuma oga, waxna kuuma soo kordhinayaan. Anigaa wax walba kuu ogee ii soo jeeso. Ma is ka illowday xaqii aan kugu lahaa? Ma jacaylkii ayaa kaa dhammaaday? Waxaagu ma xiiso ayay ahaayeen? Horta maxaan agtaada ka ahay? Maxaan kaaga dhiganahay? Micno sidee ah ayaan kuu leeyahay? Adiga ayaa is xirxiray oo is rogay maahee, anigu wali sidii ayaan kuu ahay. Adiga ayaa soo celin kara sidii aad ahaan jirtayee. Fadlan soo celi, aniguna waan ku caawinayaa haddii aad si daacad ah wax iigu sheegto. Sideennii hore nagu celi Mahadoow. Cidladan iyo cabsidan aad sababtay meesha ka saar. Hoygan aad martida is kaga dhigtay, ee aan kaligey degganahay u soo deg sidii aad u degnayd. Dulqaadkii wuu iga dhammaaday, dabeecaddiinna way iga xumaatay. Inta aan furka tuuran, oo aysan qaylo billaaban wax hagaaji. Mahadkaagii hore ku laabo, anna igu celi Maryantii faraxsanayd.

Intii iigu darnayd ee aan hayn waayay waanigan kuu sheegay. In kale oo badan ayaan wali hayaa, waxaanse kuu sheegayaa marka aad warqaddan akhriso, ee aad hadal noo furto. Waxa aan rejaynayaa in ay xaanshidan baddasho is badalkii kugu dhacay.”

Markii ay qalinka dhigtay oo ay damacday, in ay qolka jiifka tagto ayay maqashay albaabka oo la soo furayo. Inyar ayay dhexda guriga ku hakatay ilaa uu soo galay. Waa Mahad. Isaga ayaa hadalka bilaabay.

Mahad: In aad huruddo ayaan u haystayee ma soo jeeddaa wali?

Maryan: haa, warqad ayaan qorayay.

Mahad: warqad sidee ah? Qofkee ayaad u qortay?

Maryan: qof aan jeclahay, oo iga maqan, haddana, i la jooga.

Mahad: Qof aan jeclahay! Ma la is ku dheelaa?.

Mayran: ammin aan dheelo ma joogo. Saw ma aragtid, indhahayga waxa barar saaran iyo sida ay u guduudan yihiin?.

Mahad: waa yehee, ii sheeg, qofka aad jeceshahay, ee aad warqadda goortan u qortay?

Maryan: Adiga ayaan kuu qoray, miiska fadhiga ayayna saaran tahay, ee akhriso waad ogaanaysaa sida ay tahay.

Hore ayay u sii xarootay markii ay intaa tiri iyada oo filaysa, in uu la soo seexdo jawaabsan. Isaguna hadal kale ma dhihinee, waxa uu dultagay miiskii loo timaamay.

Wa adduun iyo xaalkiisee, magaalada ay Maryan ku cidlaysan tahay waxaaa geeskeeda kale deggan Calas, oo ka cabanaya xaaskiisa Cuddoon. Markii uu shaqada ka soo baxay ayuu guriga yimid galab gaabadkii. Cuddoon ayaa kushiinka fadhida. Taleefan ayey dhagta ku haysataa. Intii uu kabaha is ka siibayay ayuu gartay, in codka ay dhegihiisu maqlayaan uu yahay kii Cuddoon. Iridka jikada oo u soo jeeda meesha kabaha la dhigo ayuu inyar ku hakaday. Kursi yaalla daaqadda jikada agteeda ayay fadhidaa. Indha daallan ayuu ku jalleecay. Kuweedii u jawaabi lahaa ayuu eegmadooda waayay. Hadddii aad salaanto iyo haddaad aamusto waa is kugu mid, oo kuma maqlayso ayuu caloosha is ka yiri.

Gudaha ayuu guriga u soo galay. Labada yaryar oo fadhiga jooga ayuu soo maray. Hanad oo reerka u yar ayaa dhankiisa u soo orday. Inta uu kor u xambaartay ayuu u dhaqaaqay Luul agteeda, madaxana u salaaxay oo salaamay. Hanad yare ayuu dejiyay ka dibna ku yiri;

“Waan soo dhar baddalanayaa aabbe, ee sii daawo tiifiiga”. Markii uu Calas u sii gudbay qolkiisa ayay soo baraarugtay Cuddoon, ka dibna carruurta waydiisay cidda timid. Cunto ayay isugu habaysay miiska fadhigana u dhigtay. Calas oo soo baxay ayaa arkay raashiin u diyaarsan. Inta uu fadhiistay ayuu cunis galay. Hadduu xoogaa cunay, ayuu shubo maagay cabitaan, koobkii wax lagu cabi lahaase waa uu maqan yahay.

Laba mar markii uu magaceeda ku qayliyay ayay cod dheer “Hee” ku soo tiri. “Koob aan cabitaan ku cabo ii keen” ayuu ku yiri. Iyada oo uu taleefanka ugu jiro gambada iyo dhagteeda inta u dhexaysa, gacantana koob ku wadda ayay soo dul istaagtay. “Waan kaa soo illoobay ee waa kan” ayay tiri, inta miiska u saartay ayey jikada isaga laabatay. Cuntadiisa ayuu Calas is ka sii watay, isagoo niyadda is ka leh;

“Haddaanba laga fursanayn, teleefonk ku hadalka, walba maa sameecado isticmaasho, maxaa kallifaya!”

Markii uu dhammaystay cuntadii, waxa uu alaabta ku celiyay jikada. Caawa 9-ka ayay Cuddoon la ballansatay saaxiibbadeed. Aroos ayaa la isu raacayaa. Dharkii ay ku labbisan lahayd ayay diyaarsatay. Calas oo carruurta la daawanaya tiifiiga ayay u timid. Jirkiisa ayaa meesha fadhiya maahee, maskaxdiisa waxaa ku furnaa mowduucyo kale, oo ay Cuddoon cinwaan u tahay.

“Aroos ayaan u socdaa caawa. Carruurtu waa ay cunteeyeen, haddii ay gaajo qabatana wax isugu habee, anna waan soo daahayaayee la soco!” ayay isugu daba xiriirisay. Wajigiisii dhankeeda u leexsanaa markii ay hadlaysay ayuu ka soo celiyay. Isaga oo dhalada sii fiirinaya ayuu “Waa yahayee furaha guriga sii qaado” ku yiri.

Carafta ka soo baxaysa Cuddoon ayaa saaqday dareenkiisa. Labbis aad u qurux badan iyo waji ay si fiican u soo naashnaashtay ayay la soo baxday. Waxa ay xiran tahay dirac cad oo ay ku xardhan yihiin caleemo guduudan iyo kuwo madow, geesahana u ballaaran. Malqabad guduud ah ayaa si xarragaysan ugu duuban madaxeeda. Garbasaar madow oo aan aad u waynayn ayay saarashadiisu ka billaabataa, barta uu ku dhammaado duudduubka malqabaddu, timuhuna ku xiran yihiin. Dhago dahab ah ayaa ka soo laalaada dhagaheeda, qoortana soo gaaraya. Dhawaaqa ay kabaheedu bixinayaan ayaa dhagaha Calas ku dhacaya. Quruxdeeda ayuu la qashuucay, indhihiisuna u bogeen. Cod uu kaligiis maqlayo. balse uu jeclaan lahaa, in ay iyaduna maqasho ayuu hoos u yiri;

“Cuddoonoy habeen walba maa sidan ii ahaatid?!” Socotay Cuddoon. Calas iyo ilmihiisa ayaa isu haray. Albaabka guriga ayuu soo hubsaday in uu xiran yahay. Carruurta ayuu kala hagaajiyay ka dibna sariirahooda geeyay. Markii ay labadoodu seexdeen ayuu isagana qolkiisa soo aaday. Wuxuu la soo baxay, buug uu maalmaham akhrinayey, oo ku saabsan cilmiga; dhirta, beeraha iyo dalagga.

Markuu cabbaar aqriyey buuggii, ayuu hurdo isu diyaariyey. Nus saac ayuu kolba dhinac is ku gaddinayay, oo ay hurdo u soo dhici wayday. Cuddoon ayuu ka fekerayaa iyo sida ay uga mashquulsan tahay. Xal ayuu u arkay in uu cabashadiisa u gudbiyo. Qaab aysan cidna hadalka uga soo dhex galayn, oo uu isaguna ku nafisi karo ayuu ku fekeray. Waa in uu warqad u qoraa. Sidan ayuuna ku bilaabay:

“Cuddoonoy waan kuu xiisay. Haa, adiga oo guri ila deggan ayaan kuu xiisay. Si aad ah waliba. Qosolkaagii ayaan u xiisay. Sidaad iiga war hayn jirtay, ii danayn jirtay, iigu shekayn jirtay, shaqada iiga waraysan jirtay, oo aad iila socodsiin jirtay arrimaha gurigeenna ayaan u xiisay. Waxaad tahay Cuddoontdii aan intaas oo dumar ah kala soo dhex baxay. Cuddoontdii aan calmaday. Cuddoontii ay reerkooda xujooyin badan igu xireen, haddii aysan i garab istaagi lahaynna aan ku guuldaraysan lahaa furitaanka xujooyinkaas. Cuddoontii marka aan iridka ka soo galo iga hor keeni jirtay salaan kalgacal. Cuddoontii marka aan wax cunayo i la cuntayn jirtay. Intaas iyo ka badan, oo haddii aan dhaho waan qorayaa ay qaddu iga dhammaanayso ayaad tahay.

Xilliyadan dambe waxaa kugu dhacay is baddal wayn. Mid aad u wayn waliba. Is baddal meesha ka saaray sidaadii hore. Saaxiibbadaa ayaa ku jiitay. Xaggooda ayaad u badatay. Aniga, Hanad iyo Luulba waad naga mashquushay. Maalintii aniga ayaa guriga ka maqan, markii aan imaadana adiga ayaa baxa. Habeennada qaar ee aad joogto taleefanka ayaan kaa dheerayn. Anigu ma rabo in aad saaxiibbadaa ka harto. In aadan bannaan u bixin. In aadan ka qayb galin xaflado ama aroosyo. Aniga ayaa raba in aad saaxiibbadaa la faraxdo, oo aad waqti is la qaadataan. Waa farxaddayda. Cuddoontayda haddii ay faraxdo anna waan faraxsanahay. Laakiin waxa aan kaa rabaa in aad annaga waqti badan nagu bixiso. Sidii aad noo ahaan jirtayba. Adiga oo guriga jooga ayaad maqantahee, si fiican u joog. Adiga ayaan kuu dhisay gurigan. Adiga ayaan kuu joogaa. Adna in aad is ka maaqnaato, oo aad timaaddo xilli dambe ma habboona. In aad i cidlayso oo aan kaliyoobo caddaalad ma ahan.

Sidaadii hore ii ahaaw. Berigii aad sida gaarka ah iila socotay iyo hadda is ku si ma ahi. Intii aad iga mashquushayba nooc kale ayaan noqday. Ma dhammaystirni. Mar walba wax ayaa iga dhiman. Kaligeey ayaa is la sheekaysta. Waxaa iga guuxaya waxyaabo badan, oo aan rabo in aan kuula wadaago, balse ma aqaan si aan kuugu sheeko iyo meel aan ka billaabo, adna waqti iima heshid. Indhahayga iyo muuqayga ayaad ka garan jirtay marka ay arrin ila soo deristo. Waad i dareemi jirtay. Waxa aad ahayd dhaqtar si fiican u kala bartay jawiyadayda. Adiga ayaa i qodqodi jiray iguna qasbi jiray in aan hadlo. Niyadda ayaad ii dhisi jirtay. Waad ila talin jirtay oo i waanin jirtay. Hadda waxaas ma jiraan. Anna ma dhiirran karo haddii aadan adigu i riixin. Cuddooneey wax ka baddal xaaladdan aad abuurtay. Waan kuu darsadaye soo i soo dammoo. Naftayda ayaa kuu baahanee u kaalay.

In aad sidaadii hore ku laabato ayaan kaa rabaa. Labbiskaagii quruxda badnaa ee ay indhahaygu u bogi jireen ayaan kaa rabaa, in aad dib u soo noolayso. Habeenka aad bannaanka u baxayso oo kaliya ayaan hadda kugu arkaa labbis ifaya. Aaway Cuddoontii is ku kay qurxin jirtay? Aaway Cuddoontii is danayn jirtay ee anna i danayn jirtay? Aaway Cuddoontii iyada oo guriga joogta loo haystay in ay casuumaad u socoto? Aaway Cuddoontii gurigeenna ka dhigi jirtay mid aan carafta iyo bilicdu ka dhammaan? Wax aad u wayn ayaa ku helay. Waxa aanse kaa raabaa in aad ii warranto, oo aad ii sheegto halka lagaa haysto. Anigu waan daallanahay, qofkii daalkaa iga baabbi´in lahaana waa adiga. Xiisahaaga iyo la jooggaaga ayaan u xanuunsanahay, qofkii daawayn lahaana waa adiga. Ma rabo in aan dhaqtar kale raadsado. Waxa aan ku kalsoonahay daawadaada, haddana dulqaadkii waa iga gabaabsi. Naftaydu waxa ay kaaga baahantahay wixii aad bartay. Adiga ayaa tababbaray naftan. Wax walba ayaad u ahayd walina u tahay. Adiga oo kaliya ha is badelinee, anna iga beddel dabeecaddan qallafsan ee igu soo korortay. Laakiin Cuddooneey haddii aad adiga joojiso habdhaqankan, oo aad sidaadii hore ku noqoto anna waan hagaagi. Adiga ayaa nolosheenna macallin u ahee, noo soo celi dhaqankeennii hore.

Ma ogtahay in aan xilliga intiisa badan xanaaqsanahay? Ma ogtahay in aan is ku buuqsanahay? Qaraar iyo macaan ayaa is ku mid ii noqday. Caadi maaha maskaxdaydu marka aan shaqada jooga. Galab walba waan niyad jabaa kolka aan cagta soo saaro, waddada gurigeenna timaadda. Waxa aan ka niyad jabaa Cuddoontii ii roonayd oo aan hadda war ii hayn. Horta waa taad i jacalayd, ee aad aadka ii jaclayde hadda ma jiraa jacaylkii? Taloow miyuu kaa dhammaaday? Ma anaa si kale kula noqday? Waad iga xiisa dhacday malaha. Haddii ay dhankayga cillad ka jirto waan hagaajinayaayee ii soo gudbi. Qaylo badan ayaa gudahayga ka dhawaaqaysa. Goor walba ayay suurta gal tahay, in ay qayladaa dibadda u soo baxdo. Sida ugu dhaqsiyaha badan xal u keen. Xal aan ku xasilno. Xal aan ku sii wada joogno abid. Xal ay raadintiisu ka billaabato warqaddan. Kolka aad akhrinayso waraaqdan ha akhrin xarfaha oo kaliyee, fahan micnaha iyo farriinta ka dambaysa.

Waxa aan rejeynayaa in aadan fududaysan dhambaalkan. Si deggan u akhri, ka dibna ka feker tabtii aad u mari lahayd sidii aan isugu soo dhawaan lahayn. Xalku ma adka. Aniga ayaa kula raadinaya, ee adigu waqti hel marka u horraysa dibna u milicso quruxdii iyo wanaaggii aan is kula joognay, oo la barbar dhig qaabka aan u noolnahay hadda”.

Qiiro aad u wayn ayaa ka muuqatay wajiga Calas markii uu qalinka dhigay. Isaga oo daallan kuna niyadsan in ay farriintan baddasho Cuddoon ayuu seexday. Goor ay saacaddu ku sii siqaysay waabarigii ayay Cuddoon soo laabatay. Daal iyo madax xanuun awgii ayay hurdo la dhacday. Markii uu waagu si wanaagsan u baryay ayuu Calas shaqadiisa u diyaar garoobay. Inta uusan guriga ka bixin ayuu jeebkiisa ka soo saaray warqaddii uu xalay qoray. Meel u dhow geeska ay sariirta kaga jiifto Cuddoon isla markaana bannaan ayuu si tartiib ah u dhigay, ka dibna shaqadiisa u baxay. Waxa uu fishaaba waa in uu Cuddoon ka la kulmo jawaab ficil ah, marka uu caawa soo hoydo.

Maryan iyo Calas waxa ay dhowrayaan farriin ka warcelisa kuwoodii ay gudbiyeen. Warcelinta Mahad waxaa laga sugayaa sey kasta, oo xaaskiisa cidleeyay gurigiisana ka maqan. Warcelinta Cuddoonna waxaa laga sugayaa marwo kasta, oo ka mashquulsan seygeeda gurigeedana aan ka war hayn.

Rahmaaz002@hotmail.com

Comments are closed.