Sawirro: Madaxwayne ku xigeenka Galmudug oo maanta Cadaado kula shiray duubabka dhaqanka iyo gudiga doorashada

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Kulanka maanta uu madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, uu layeeshay odayaasha dhaqanka ee Ergada soo xulaya iyo gudigayada doorashooyinka heer gobol iyo heer Federaal ayaa looga hadlay dar dar gelinta hawlaha doorasho ee ka bilaabanaya magaalada Cadaado.
Kulanka ayaa sidoo kale wxaa qeyb ka,ahaa saraakiil ka socotay Milatariga Soomaaliya iyo wasaaradda amniga Galmudug ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay arimaha amniga deegaanka.

Madaxwayne ku xigeenka dawlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo dhamaadkii kulanka ka hadlay ayaa odayaasha dhaqanka ugu baaqay in la ilaaliyo qoondada Haweenka ee Ergada iyo Baarlamankaba.

Maxamed Xaashi Cabdi m k gm ayaa sheegay in gudiga doorashada iyo Odayaasha dhaqanka ay u madax banaanyihiin hawlohooda galmudugna aysan fara gelineey waxaa kale uu odoyaasha dhaqanka kula dar daarmay inay soo xulaan xildhibaano u qalma inay bulshada metelaan
Mudooyinklii ugu danbeeyay ayaa waxaa magaalada cadaado laga dareemayay dhaqdhaqaaq xoogan oo la xariira hawlaha doorashada dadban ee sanadkan ka dhacaya dalka.

14101830_10205796873159841_1419823839_n 14137683_10205796872399822_1870377226_n 14137751_10205796869359746_914192433_n 14138397_10205796873399847_550353596_n 14159078_10205796872119815_835344229_n 14159112_10205796870119765_1162085426_n 14159341_10205796870999787_132885084_n 14159730_10205796870519775_1602062480_n 14159895_10205796871839808_1278576470_n 14182131_10205796873119840_1324418881_n 14182225_10205796871159791_242096265_n 14182252_10205796868999737_212391584_n 14182454_10205796872439823_512340716_n 14193641_10205796873039838_1164768595_n 14193676_10205796869999762_1652227602_n 14193868_10205796872759831_1832837254_n 14194206_10205796869079739_1561781558_n 14194454_10205796870359771_1482697197_n

 

 

Comments are closed.