Madaxweynaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamee C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow u ambabixi doona magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasoo uga qeyb galayo Shirka caalamiga ah ee ICPD, waxaana ka socota magaalada Nairobi qaban qaabo lagu soo dhoweynayo.
Sida wararku sheegayaan shirka uu ka qeyb geli doono Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa wehliya kulan gaar ah oo uu la qaadan doono Madaxweyaha Kenya Uhuru Kenyatta, oo la sheegayo inuu ahaa balan labada Madaxweyne horay u taalay.
Kulankan ayaa noqonaya kii 3aad oo labada Madaxweyne yeesheen muddo saddex bilood gudahood laga soo bilaabo Shirkii Qaramada Midoobey New York ee September, Shirkii Addis Ababa ee furitaanka Beerta Midnimada iyo shirka gaarka ah ee Nairobi ku dhex mari doona.
Dadka odorasa siyaasadda ayaa hadal haya in shirka gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta yeelanayaan looga hadlayo xiriirka labada dal oo bilihii u dambeeyay xumaa, arrinta Jubbaland iyo dacwada weli rahman ee taala Maxkamadda ICJ ee la xiriira Muranka Badda, taasoo dhowaan dib loo dhigay illaa bisha June sanadka 2020.