Madaafiic Hoobiyaal ah oo lagu weeraray madaxtooyada soomaaliya

Wararka Maanta

Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa goor dhow ku dhacay agagaarka Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo la soo warinayo in goobo kala duwan ay ku dhaceen madaafiicda.

Illaa saddex Madfac ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaceen hareeraha Madaxtooyada, mid ka mid ah madaafiicda ayaa ku dhacay agagaarka Safaaradda Itoobiya ku leedahay xeyndaabka Madaxtooyada.

Madfac kale ayaa ku dhacay halka lagu magacaabo Kaambada oo ku dhegan Xarunta Taliska Booliska ee Commando Polizio.

Sidoo kale Madfac kale ayaa ku dhacay Xaafada Caga Dhiig, madaafiicdan ayaa soo dhacay abaarihii xilligii salaaddii duhur, iyadoo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Inta badan Madaafiicda hoobiyeyaasha ayaa waxaa sheegta Al-Shabaab inay ku weeraraan Madaxtooyada, waxaana ay geystaan khasaarooyin kala duwan oo dad rayid ah uu ka soo gaaro.