Xaafada Oodweynee degmada Deyniile ayaa waxa xalay fiidkii lagu dilay Macalin wax ka dhiga mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Rag hubeysan ayaa Macalinka ka toogtay qeybta sare ee jirkiisa, kadib markii ay dhawr xabadood ku dhufteen, waxayna halkaasi ka dhaqaaqeen markii ay hubsadeen in ay toogteen Macalinka.
Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay Macalinka inta aan la toogan kahor inuu ka soo baxay geerish ku yaallay agagaarka xaafadiisa oo uu ku soo xareystay gaarigiisa, kana mid ahaa Macalimiinta Jaamacadda Soomaaliya.
Macalinka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Caddow, waxaana uu wax ka dhigayay Jaamacadda Soomaaliya, gaar ahaan Kulliyada Shareecada. Lama oga sababaha loo dilay, hase ahaatee waxaa ay qeyb ka tahay dilalka ujeedo badanka ee siyaabaha kala duwan uga dhacayay Muqdisho sanadihii u dambeeyay.