Wasiirka Arimaha Dibadda Norway oo Muqdisho gaaray

Wararka Maanta

Wasiirka Arimaha dibada  Norway Borge Brende ayaa gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana garoonka kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowlada uu horkacayay Wasiirka Arimaha dibada Somalia..

Wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka arimaha dibada dalka Norway ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada, waxa uuna halkaasi kulamo kula leeyahay Madaxda sare ee dalka gaar ahaan Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweyne Farmaajo.

Kulanka ayaa lagu soo waramayaa in labada dhinac uga wada hadli doonaan xariirka ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Norwey iyo sidii gacan u siin laheed Norwey dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka labada dhinac u dhaxeeya uu ka socdaa xarunta Madaatooyada.

Magaalada Muqdisho mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo gaarayay Wasiiro ka socday dalal Yurub kuyaala kuwaa oo kulamo la qaadanayay Madaxda ugu sareysa dowlada Federaalka , waxa ayna inta badan madaxda Muqdisho timid taageero u balan qaadeen dowlada Soomaaliya.