Maamul Gobolka Benaadir oo dib ugu celiyey Muwaadin Soomaaliyeed guri xoog looga haystay (Sawirro)

Uncategorized Wararka Maanta

Muwaadin Axmed Abuukar Axmed oo Mudo ka badan 20 sano  si sharci darro ah looga haystay gurigiisa oo ku yaalla degmada Shibis ee Gobalka Banaadir ayaa waxaa maanta furaha gurigiisa ku wareejiyay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho kadib markii ciidamada Booliiska ay ka saareen dadkii sharci darrada ku dagnaa.

Guddoomiyaha Degmada Shibis Axmed Muumin Maxamed  ayaa warbaahinta u sheegay in digniino loo jeediyay  dadka sharcidarrada ku dagnaa gurigaasi, hasa ahaate ay ka madax adeygeen sidaas darteedna ay Ciidamada Ammaanka xoog uga saareen.

Axmed Abuukar Axmed oo ah muwaadinkii gurigiisa lagu wareejiyay ayaa u mahad celiyay Maamulka Gobalka Banaadir iyo ciidanka Boliiska qeybta Gobalka  “aad ayaan ugu faraxsa nahay in maanta gurigeyga la igu wareejiyo waxaana u mahad celinaaya Maamulka Gobalka Banaadir iyo Ciidamada Booliiska” ayuu yiri.

Taliyaha Qeybta Guud Gobalka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaliyeed G/Sare Bishaar Abshir Geedi ayaa dhankiisa tilmaamay ciidamada Booliska ineysan eegan doonin dulmiga loo geysanayo dadka maatida ah.

“Waa laga gudbay xiligii maatada la dulmin jiray ama la is xoogi jiray qof kasta sharciga ayaa ka weyn, marka ma socon doono iyadoo dowlad ay jirto in wax xoog lagu haysto” ayuu yiri G/sare Bishaar.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale” ayaa sheegay in cid kasta oo dhul sharci darro ah degan  si deg deg ah looga bixin doono islamarkaana lagu wareejin doono muwaadinki xaqa u lahaay.fb_img_1479638174213 fb_img_1479638168260 fb_img_1479638161042 fb_img_1479638161042 fb_img_1479638150973 fb_img_1479638133906 fb_img_1479638130517 fb_img_1479638116712

 

Comments are closed.