“MA DOORAN LAAKIIN MACAANKEEDII BUU DAREEMEY”

Arimaha Bulshada Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

Cabdisalaan Maxamed Yaasiin (Sadiiq) Markuu dhameystey Dugsiga Sare ayaa isaga  iyo Waalidkiis isku afgarteen in uu sii wato Waxbarashadiisa  ilaa Heer Jamaacadeed, wuxuuna  isaga iyo Waalidkii isku raaceen in uu galo Jaamacadaha ku yaal Magaalada Muqdisho.

Markii uu galey Imtixaankii Qabuulka ee Jaamacadda Ummada, ayaa wuxuu  Gudbistey Codsigiisa ahaa in uu barto Dhaqaalaha  ama Beeraha hase yeeshee,yadiiladaas aad bay ugu  weyneyd Cabdisalaan in uu helo mid ka mid ah Labadaas Kuliyadood,  balse  Maxaa dhacay

Markii la soo Dhejiyey Imtixaankii ayaa waxaa loo sheegey in uu heley Kulliyadda Saxaafada, hase ahaatee,Cabdisalaan waxaa ku dhacay Niyad jab, wuxuu Go’aansadey in uu ka haro Jaamacadaas maadaaama Saxaafada Soomaaliya ay tahay mid aad u dhib badan oo uu ogahay Xaaladaha ay ku shaqeeyaan.

Hooyo iyo Aabbe markuu u sheegey in uu heley Kulliyadda Saxaafadda ee Jaamacada ummada, haddana dhinacooda iyagana Niyad Jab la mid ah midkiisa  ayey ii Muujiyeen waalidkii, waxayna kula Taliyeen in uusan ka harin Waxbarashada Kuliyadaas intii uu waqti ka lumi lahaa, iyagoo u ballan qaadey in wixii Karaankooda aysan kala hari doonin.

Wuxuu waqtiga is guro  isagoo caga Jiidaya oo niyad Jabsan  ayuu  qaatey Taladii Waalidkiis, wuxuuna bilaabey Waxbarashadii Kulliyadda Saxaafadda hase yeeshee, Cabdisalaan  weli Niyad Jabkii waa ka Muuqdaa oo ardeydii ay isku Fasalka ahaayeen, waxay mar waliba ku  yiraahdaan  “Saaxiib maalmahaan waa Maqan tahay ee Maxaa kuugu dhacay,  mar waliba waad Fakereysaa” wuxuu u sheegey in uusan ku qanacsaneyn Kulliyaddaan, balse  Saaxiibadiis  waxay ugu  Laab qaboojiyeen in Kulliyadda Saxaafada ay tahay mid aad u wanaagsan.

Waxay waxbarashada socoto isagana uu  gadaal isku dhigayo ayaa wuxuu go’aansadey in uu iska imaansado Kulliyadda Saxaafadda, waxaana Waqti yar laga dareemey  Farxad iyo reynreyn ku aadan ku qanacsanaanda Kulliyadda Saxaafadda, waxaana intaa sii dheeraa oo Farxad kale geliyey, Macalimiinta sida Casharada uu siinayaan iyo weliba sida ay ugu dhiiragelinayaan in uu dhameysto Jaamacadda.

Mar uu la sheekeystey mid ka mid ah Macalimiinta wax u dhigaya Jaamacadda, ayaa waxaa uu u sheegey in markii hore uu  aad uga niyad jabey ku soo biirrida Kulliyadda Saxaafadda. Markaas buu ku yiri  Macalinkiisii  “Doqon baa tahay oo aan waxba kala ogeyn  Cilmiga Saxaafadda, marka la fiiriyo Caalamka waa mid aad loo jecel yahay,  weliba  Bulshada Dhexdeeda ka heleysid Qadarin iyo Xushamad marka waxaa tahay qof Nasiib badan ee ka faa’iideyso Fursadaan”.

Markii uu ku soo maaxdey Macaanka Cilmiga Saxaafada ayaa wuxuu Go’aansadey in  si farxad ah ku sii wato Waxbarashada Kulliyadda Saxaafadda. Sidoo kale wuxuu Waalidkiis u sheegey in wixii uu ka filayey Kulliyadda wax ka weyn uu ku arkey,  oo ku aadan Cilmiga Saxaafadda in uu yahay Cilmi aad u balaaran, kana Wanaagsan Kuliyadihii uu ku taamayey ee Xulashadiisa ahayd.

Ugu dambeyn Qoraalkeyga waxaa ku soo gabagabeynayaa wax waliba waxaa Wanaagsan in aad ka Fiirsato, mar walibana aad qaadato talooyinka laguu soo jeediyo, waayo waxaad aad moodeysey Shar in ay kuu wanaagsanadaan. Marka Cabdisalaan wuxuu  ku rajo weynahay in uu meel sare ka gaaro Saxaafadda. Sidoo kale wuxuu kula Dardaarmayaa ardeyda Dooneysa in ay Jaamacadaha galaan, marka ay Waayaan Xulashadooda in ay qaataan wixii u soo baxa intii uu Waqti ka lumi lahaa. Sidaa darteed,  waxaa uu leeyahay Cabdisalaan “MA DOORAN LAAKIIN  MACAANKEEDII BAAN DAREEMEY”.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.co.uk