M. Xaashi iyo Cali Gacal oo goordhow ka dagaya Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Diyaarad sida Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo tiro xildhibaano ah ayaa goordhow kasoo caga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde magaalada Muqdisho. Waxa ayna daqiiqado kadib ka dagayaan garoonka diyaaradaha Cadaado.

Dhanka kale waxaa diyaargarowgii ugu dambeeyey ee soo dhaweynta masuuliyiintaan ayaa ka socda magaalada Cadaado. Waxaana garoonka diyaaradaha Cadaado ku sugan masuuliyiin iyo Qeybaha Bulshada.

Dhaqdhaqaaq Siyaasadeed ayaa laga dareemayaa Cadaado, Dusmareeb iyo Muqdisho, waxaana idinla socod siin doonaa wixii kusoo kordha.