Weeraryahankii hore ee Arsenal Lukas Podolski ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah ka dib markii 12-sano uu u ciyaaraayay xulka Germany .
31-sano jirkaan,oo ku dhashay Poland, ayaa soo gabagabeeyay mustaqbalkiisa ciyaaraha caalamiga ah iyadoo 129 kulan u saftay xulkiisa islamarkaana koobka aduunka kula guuleystay.
Podolski ayaa u dhaliyay 48 gool Jarmalka waxa uu ku dhawaaday in uu la qaado European Championship sanadkii 2008, laakiin qarankiisa waxaa 1-0 ku garaacday kooxda Spain ee finalkii Euro 2008.
Weeraryahanka ayaa ku xaqiijiyay wararka bogiisa Instagram.
Podolski ayaa haatan u ciyaara Galatasaray, halkaas oo uu u saxiixay sannadkii hore ka dib markii uu ka soo tagay kooxdii uu joogay saddex sano ee Arsenal.
Comments are closed.