Kutlada Horusocod oo hoggaan cusub dooratay.

Uncategorized Wararka Maanta

Xildhibaannada la magac baxay Kutlada horusocod ayaa waxaa ay doorteen guddoomiye Cusub kadib Kulan ka dhacay Hoyga uu Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya ka degan yahay Xildhibaan Faarax Sheekh Cabduqaadir oo ka mid ah Madaxda Xisbiga PDP ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh kana mid ah Xildhibaannada horusocod. Kutlada Horusocod ayaa waxaa ku bahoobay xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya, waxaana lagu tilmaamaa Kutlada ugu xooggan Barlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ay isugu yimaadeen xubnaha Kutlada Horusocod ee Goleyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu doortay Gudoonka hoggaamin doona Kutlada Horusocod, kuwaas oo kala ah:

  1. Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur (Gudoomiye)

2. Senetor Gen. Cabdullahi Sheekh Cusmanciil Fartaag (Gudoomiye Ku Xigeen)

3. Cali Cabdi Cusman Aliyow (Xoghaye)

Lama oga waxa xilligaan ku soo beegay in ay guddoomiye doortaan Xildhibaannada la magac baxay horusocod,balse waxa uu ku soo aadaya xilli 30 Bishaan lagu wado in ay dhacdo doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee uu baneeyey Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.