Kulan sadex geesood ah oo asmara uga furmay hogaamiyaasha Soomaaliya,eritrea iyo itoobiya

Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, iyadoo uu garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweyne Isaias Afwerki.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ku wehliya Agaasimaha Madaxtooyada, Amb. Cali Fiqi Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub oo aan inta badan ka harin Madaxweynaha marka uu aadayo Asmara, iyo Wakiilkiisa gaarka ah ee u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Eritrea ayaa waxaa haatan u bilowday wada hadalo saddex geesood ah oo ku qotoma iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya saddexda dal.

Inta ay kulamadani socdaan waxa ay Madaxdu qiimeynayaan miro-dhalka tallaabooyinka la qaaday si loo xaqiijiyo isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka, mideynta qorsheyaasha lagu wiiqayo argagixisada iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran Iskaashiga dalalka Gobolka.