DF oo War kasoo saartay dagaalada Xeraale iyo Cadale

Wararka Maanta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa ugu baaqay dadka ku dagaalamaya deegaanka xeraale iyo degmada Cadale ee Gobolada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud inay dagaalkaas si deg deg ah u joojiyaan.

Wasiirka waxa uu shegay in dagaaladaas ay yihiin kuwo dhowr jeer soo laab laabtay,waxana uu ugu baaqay Odayaasha Dhaqanka iyo cid kasta oo kaalin ka geysan karta ay kaalin ka qaadato joojinta dagaaladaas.

Shir Jaraa’id uu ku qabtay Magalada Muqdisho ayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa uulu  sheegay in maalin walba lagu dul dagaalamo dad Rayid ah, isla markaana ay barakacaan.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu sheegay inay kaalin weyn ay ka qaadan doonto sidii xal buuxa looga gaari lahaa dagaalada xilligaan ka jira deegaanka xeraale iyo degmada Cadale ee Gobolada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud.