Haweeney Soomaali ah oo loo doortay hoggaanka magaalo 90% ay caddaan degenyihiin.

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Haweeney Soomaali ah oo loo doortay hoggaanka magaalo 90% ay caddaan degenyihiin.

 

Deeqo Dhalac oo ah gabar Soomaali ah ayaa loo doortay duqa magaalada Maine ee dhacda South Portland ee dalka Mareykanka.

 

Deeqo waxaa doortay xildhibaanada dowladda hoose ee South Portland kuwaas badandood ah dad caddaan ah kadib markii arkeen dadaalkeeda ku aadan ka shaqeynta arrimaha bulshada, sida ay ku warrantay warbaahinta CNN.

 

Waxay sheegtay in doorashadeeda ay ka dhigan tahay in guul la gaari karo marka ay dadka isku xiran yihiin.

 

Magaalada Maine ay gabadhan ka noqotay duq magaalo waxaa boqolkiiba 90 ku nool dad caddaan ah.

 

Deeqo waxay Mareykanka gashay sanadkii 1992, waxay bilowday olole abaabul ah ay dadka soo galootiga ugu doodeyso inay noqdaan muwaadiniin Mareykan ah si ay u codeeyaan.

 

Deeqo Dhalac ayaa sanadkii 2018-kii loo doortay golaha deegaanka ee South Portland City ee dalka Mareykanka.

 

Isha: BBC