Kooxda Daacish oo dil ka geystay Muqdisho

Wararka Maanta

kooxda Daacish ayaa sheegatay dilka Askari ka tirsan ciidanka ciidanka ilaalada waddooyinka (Taraafiko) iyo dhaawaca Askari kale , dilkan ayaa ka dhacay isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Sawir ay soo dhigeen bartooda Twitterka ayaa muujinaya nin dhalinyaro ah oo Dilaya Askariga Taraafikada oo ku mashquulsanaa hagidda gawaaridda. Kooxda Daacish ayaa dilalka ugu badan ka geysta Suuqa Bakaaraha iyo degmada Afgooye .

Dilalka ay geystaan Daacish ayaa ka duwan kuwa ay geystaan Alshabaab, waxaana kooxda Daacish bilaabeen in marka ay qofka dilayaan muuqaal ka duubaan.

Sida ay u bilaabatay bisha Ramadaan kooxaha dilalka geysta ayaa kordhiyey howlgaladooda, iyagoo aan lagu guuleysan in gacan lagu soo dhigo.