Khasaare Farabadan oo ka dhashay dagaalkii Kaxandhaale

Wararka Maanta

Dagaal xooggan ayaa maanta ka dhacay deegaanka Kaxandhaale ee xadka gobolka Galgaduud iyo kilinka Shanaad Soomaalida itoobiya. Dagaalkan ayaa u dhaxeeyey maleeshiyo beeleedyo kasoo kala jeeda deegaanada Dhabad iyo Galinsoor.

Dagaalkan oo bilowday aroortii horeĀ  ayaa istaagay bacdal duhur, waxaana dagaalkan la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay dagaalkan oo labada dhinac, sidoo kale dhaawaca ayaa kor udhaafaya 50 kale. Dhaawacyada ayaa la geeyey isbitaalada Cabudwaaq, Goldogob iyo Cadaado.

Ciidamada dagaalamay ayaa isku muuqda, waxaana suurtagal ah in ay dib u dagaalamaan, ma jirto cid kala dhexgashay ciidamadan.